Meydadka Israa’iiliyiin u afduubna Xamaas oo Qasa laga helay

Meydadka in ka badan saddex qof oo ka mid ahaa dadkii Israa’iiliyiinta ah ayaa laga soo saaray Qasa sida ay sheegtay milatariga.

Magacyada dadkan ayaa lagu kala sheegay Hanan Yablonka, Michel Nisenbaum iyo Orion Hernandez, ayaa lagu yri warbixinta milatarigu soo saareen.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in meydadkan laga soo saaray magaalada waqooyiga ku taalla ee Jabaliya xilli habeen ah oo ay halkaas ka wadeen howlgal.

Arrintaan ayaa imaanaysa toddobaad kadib markii saddex qof oo afduub ku maqnaa laga helay meydadkooda isla Qasa.

La haystayaasha dhintay ayaa ka mid ahaa 252 qof oo la qafaashay markii rag hubaysan oo Xamaas ka tirsan ay weerareen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof.

Ilaa 130 ayaa weli lagu hayaa Qasa, sida Israa’iil ay sheegtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker