Jarmalka oo noqday dalkii labaad ee Yurub ee sheega inay xidhayaan Netanyahu

Jarmalka ayaa noqday dalkii labaad ee Yurub ee sheega inay xirayaan Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, haddii uu soo booqdo dalkooda, Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ahna ay soo saarto waaran rasmi ah oo ku aaddan xarigiisa.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda ICC ayaa Raysal Wasaaraha Israel iyo Wasiirkiisa Difaaca ku eedeeyay in ay dembiyo dagaal ka gaysteen Marinka Gaza.

Afhayeenka Dowladda Jarmalka, Steffen Hebestreit ayaa sheegay in dalkiisu uu xiri doono Raysal Wasaaraha Israel, haddii uu soo booqdo dalkaasi, isla-markaana ay Maxkamadda ICC soo saarto amar lagu soo xiraayo.

“Dabcan Jarmalku waa uu fulin doonnaa amarka Maxkamadda ICC ee ka dhanka ah Netanyahu.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Berlin ay u hoggaansami doonto awaamiirta ICC, isla-markaana ay aasaas u tahay taageerada maxkamaddaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka ayaa dhankeeda sheegtay in ay ixtiraameyso madaxbannaanida iyo nidaamka ICC.

Karim Khan, Dacwad Oogaha Maxkamadda ICC ayaa Isniintii sheegay in ay hayaan caddeymo ku filan in Netanyahu iyo Wasiirka Gaashaandhigga Israel, Yoav Gallant ay gaajo hub ahaan ugu adeegsadeen dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza.

Norway ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee reer galbeed ah oo ballanqaaddo inay xiri doonto Raysal Wasaaraha Israel, haddii Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ay ka codsato inay ninkaasi soo xirto, waana farriin si toos ah Netanyahu loogu sheegayo inaanay cidina sharciga ka sarreynin.

Ka dib xadgudubyada joogtada ah ee ay ku kaceyso Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu, dunida ayaa u muuqato mid is tustay in ay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabooyin ka dhan ah maamulkaasi, si loo ilaaliyo xeerarka caalamiga ah.

Habdhaqanka khalafsan ee Netanyahu iyo dhacdooyinka naxdinta leh ee ay ciidamadiisa ka gaysanayaan dhulka go’doonsan ayaa xoojisay qaddiyadda Falastiin ee masraxa caalamiga ah, waana taas tan keentay in dowladaha reer Yurub qaarkood ay ku dhiiradaan inay aqoonsadaan Dowladnimada Falastiin.

Spain, Ireland iyo Norway ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inay si rasmi ah u aqoonsanayaan Dowladda Falastiin 28-ka bishan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker