Baraarugga reer galbeedka iyo madax adeyga Israel

Warbaahinta caalamiga ah ayaa qoreysa in dowlado kale oo reer Yurub ah ay isku diyaarinayaan inay aqoonsadaan Dowladda Falastiin, iyadoo la qaadayo jidkii ay jeexeen Dowladaha Spain, Norway iyo Ireland, kuwaa oo si rasmi ah Arbacadii ugu dhawaaqay inay aqoonsanayaan Dowladda Falastiin.

Reer Yurub ayaa Dowladda Falastiin u aqoonsanaya in la helo amni, xasillooni iyo caddaalad, taas oo fure u ah in la soo afjaro gumeysiga, lana helo laba dal oo deris ah.

Israeliyiinta qudhooda ayaa fahamsan inaanan laga gudbi karin caqabadda amni ee ka jirta Bariga Dhexe, iyadoo aan la helin dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta oo ka barbar dhalata Israel, balse ay mushkiladdu tahay madaxdooda oo aan taasi dooneyn.

Falastiiniyiinta ayaa xuquuq u leh inay yeeshaan dowlad u gaar ah, si la mid ah sida ay Israeliyiintuba u leeyihiin, waana caddaaladda ay Spain u ololeynayso in la helo.

Israel oo sheegata dowladda qura ee ka jirta Bariga Dhexe ee dimoqraadi ah ayaa si joogto ah ugu xadgudubta shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, waxayna dunida tustay inay tahay dowlad aan ku dhaqmin wixii uu caalamku ku heshiiyay, tanina waa bilowga bar dhammaadka inay siyaasad ahaan ka go’doonto dunida inteeda kale.

Israel ayaa horey isaga indho tirtay amar ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, oo lagu dalbanayay in xabad joojin degdeg ah laga hirgeliyo Marinka Gaza, si loo joojiyo dhiigga daadanaya, dadka rayidka ahna ay u helaan raashiinka, biyaha, shidaalka iyo sahayda dawada ah ee ay u baahan yihiin.

Ciidamada Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa Marinka Gaza ka gaysanaya weeraro ay si aan kala sooc lahayn ugu leynayaan shacabka tabaaleysan, iyagoona hortaagan gaadiidka gargaarka ee u raran Qaramada Midoobey ee la doonayo in lagaga hortaggo macluusha ku baaheysa dhulka go’doonsan.

Sii wadista dilka iyo gaajeysiinta ee dadka rayidka ah ayaa ah dersi kale oo laga baranayo cadaawadda ay Israel u qabto shacabka Falastiiniyiinta, waana xilli aysan Israel lahayn taariikh wanaagsan oo dhanka xuquuqul insaanka ah.

Qiyaastii 143 dal oo caalamka ah ayaa aqoonsaday Dowladda Falastiin, balse inta badan dalalka Qaaradda Yurub iyo Mareykanka oo maanta lagu sheego kuwa jaangooya siyaasadda dunida ayaa muddo dheer hortaagnaa aqoonsiga Dowlad Falastiiniyiinta ay leeyihiin, tiiyoo aad mooddo in hadda ay wax iska bedeleen.

Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa lagu tilmaamaa xulafada ugu weyn ee Israel, waxayna reer Yurub muujiyeen carradooda ku aaddan, sida ay Israel wax uga maqli la’dahay, haddii ay sii waddo dilkeeda indho la’aanta ah ee rayidka, isla-markaana ay burburineyso kaabeyaasha rayidka, oo ay ku jiraan isbitaalada, goobaha waxbarashada, masaajidda, kaniisadaha iyo waddooyinka.

Dowladda Spain ayaa olole xoog leh ka dhex waddo dalalka Yurub, si ay si rasmi ah ugu aqoonsadaan Dowladda Falastiin, iyadoo laga tallaabayo go’aankii adkaa ee ay Israel muddada dheer ku diidaneyd inay meelmar noqoto qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta.

Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in uu meel halis ah gaarsiiyay xalka hannaanka laba dowladood oo deris ah, nabadna ku wada nool, isagoo adeegsanaya sida uu yiri siyaasaddiisa xanuunka iyo burburka wadata ee Marinka Gaza.

Israel iyo inta badan dalalka caalamka ayaa horey ugu kala fogaaday dembiyadooda joogtada ah, waxaana hadda muuqata in ay kala furfuranayaan reer Yurub.

Dembiyada ka dhacaya Marinka Gaza ee sida tooska ah looga daawanayo barraha bulshada ayaa karaar u noqday in ay indhaha kala furaan bulshada Qaaradda Yurub, taas oo dowladahooda ku riixday in ay dib u eegaan xiriirkooda Israel.

Dagaalkan ayaa suurad xumeeyay muuqaalkii Israel ee dunida, marka aad eegto sida naxariis darrada ah ee ay ciidamadeeda u wajahayaan dadka rayidka ah ee aan hubeysneyn.

Dowladaha Jarmalka iyo Norway ayaa ballanqaaday inay xiri doonaan Raysal Wasaaraha Israel, haddii Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ay soo saarto amar lagu soo xiraayo.

Dacwad Oogaha Maxkamadda ICC, Karim Khan ayaa Isniintii Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca, Yoav Gallant ku eedeeyay in ay dembiyo dagaal ka gaysteen Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Khamiistii sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Marinka Gaza ay gaartay 35,800 oo qof. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in tirada dadka dhaawaca ahna ay sii caga-cageynayso 80,011 qof, waxayna xaqiijisay in dhibaneyaasha ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Dhanka kale duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa caqabad ku noqday ololaha dib u doorashada ee Madaxweyne Joe Biden, ka dib markii shacabka Mareykanka ay taageeradooda ku xireen in uu soo afjaro duulaanka galaafanaya nolosha dadka birmageedada ah.

Kororka dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza ayaa la sheegaya inay saameysay shacabka Mareykanka, waana sababta ugu weyn ay Biden uga dalbanayaan inuu Netanyahu ku khasbo in la joojiyo dhiigga ku daadanaya dhulka aanay cidina geli karin, cid kalena ka bixi karin.

Weerarada arxan-darrada ah ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa si weyn u saameeyay dalka Mareykanka, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo waxyaabo ka dhacaya dibadda ay sidaan oo kale u saameeyaan gudaha Mareykanka.

Biden ayaa marar kala duwan Netanyahu ugu baaqay inaysan ciidamadiisu beegsan goobaha dadku ku badan yahay, sida dhismayaasha la degan yahay iyo xeryaha barakacayaasha, isla-markaana ay ogolaadaan in gargaar mug leh uu gaaro dhulka go’doonsan, taas oo wax uu ka qabtay aysan jirin.

Netanyahu ayaa xitaa Biden ku gacan seyray inay ka baaqsadaan weerarka dhinaca dhulka ee goobtii ugu dambeysay ee Marinka Gaza, oo ah deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, oo ay gabaadsanayeen 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaa oo horey si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda. Ciidamada Israel ayaa toddobaadkii 1aad ee bishan weeraray Rafah, taas oo kaga sii dartay xaaladda ba’an ee bani’aadantinimo ee markii horeba ka jirtay dhulka isku raranka ah.

Muddada uu socdo dagaalka Gaza ayaa la sheegay inay dhowr jeer is qabteen Biden iyo Netanyahu, ka dib markii Tel Aviv aanay waxba ka qaban baaqyadii looga dalbanayay in ay wax ka qabato xaaladda bani’aadantinimo Marinka Gaza, ayna joojiso carqaladeynta ay ku hayso dadaalada caalamiga ah ee gurmadka bani’aadantinimo lagu gaarsiinayo dadka rayidka ah.

Weerarada muddada 8-da bilood ku dhow ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa madax xanuun ku riday Madaxweynaha Mareykanka, marka aad eegto hoos u dhaca ku yimid shacbiyaddiisii gudaha, isagoona la dhibaatoonaya loolanka uu ugu jiro in bisha November dib loogu soo doorto xafiiska.

Netanyahu oo si cad isaga diiday baaqyada Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa ku adkeysanaya inay sii wadi doonaan dagaalka ay ku burburinayaan Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza, iyada oo aad arkeyso inaysan u kala soocneyn shacabka iyo kooxaha waxba iska caabinta, tiiyoo illaa iyo hadda aysan ku gaarin hadafkoodii dagaalka.

Netanyahu ayaa habeenkii Arbacada ku celiyay inaysan joojin doonin duulaankooda Marinka Gaza, isla-markaana ay maamuli doonaan Gaza, xitaa haddii ay dagaalka kaga adkaadaan Xamaas.

Netanyahu ayay hadda dacwad uga furan tahay maxkamad gudaha ah, isagoona loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, inkastoo dacwaddaasi dib loogu dhigay, inta uu socdo dagaalkan Gaza. Dagaalka oo sii socdo ayaa la fahamsan yahay in ay Netanyahu u suurtagelineyso in si xeeladeysan uu xafiiska ku sii joogo, maxkamaddana uu uga mashquuliyo kiiska loo haysto. Haddii maxkamadda ku taala Israel ay ku hesho laaluush iyo wax is daba marin ayaa waxaa lagu xukumi karaa illaa 10 sano oo xarig ah.

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda daran ee bani’aadantinimo ee ay Israel ka abuurtay Gaza ayaa dhalisay carro caalami ah, waxaana maamulka Biden lagu cambaareeyay taageerada ay siiyaan Israel. Biden ayaa ku guuldareystay dejinta dareenka bulshada dal iyo didbadba ee kacsan, waxaase la eegaya tallaabada xigta ee uu dhawaan qaadi doono.

Falcelinta illaa iyo hadda ka dhalatay sii socoshada duulaanka Ciidamada Israel ee Marinka Gaza iyo madax adeyga Netanyahu waa inay Israel la kulmeyso culeys siyaasadeed, dhaqaale & mid amni iyo inay bulshada caalamka garowsato halka ay Israel ka taagan tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker