Raysal Wasaare Netanyahu oo si adag uga hadlay aqoonsiga Dowladda Falastiin

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa si adag uga falceliyay mowqifka ay dalalka reer Yurub qaarkood ku aqoonsanayaan Dowladda Falastiin.

Raysal Wasaaraha ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in tallaabada ay Norway, Ireland iyo Spain ku aqoonsanayaan Dowladda Falastiiniyiinta ay tahay mid ay ku abaalmarinayaan, waxa uu ku sheegay argagixisada.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto ay boqolkiiba sideetan (80%) taageersan yihiin weerarkii kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ay October 7-deedii ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

“Boqolkiiba sideetan Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed waxay taageersan yihiin xasuuqii ba’naa ee October.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo soo xiganaya aragti uruurin la sameeyay, sida uu sheegay wax yar uun ka dib weerarkaasi.

“Xumaantan waa inaanan dal la siinin. Waxay noqon doontaa xaalad argagax leh, waxayna isku dayi doonaan inay gaystaan xasuuqii 7-dii October oo kale.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in weerarkaasi oo Xamaas ay horkaceysay lagu dilay 1,200 oo qof oo Israeliyiin ah, ayna horseedeen afduubka in ka badan 250 kale.

Waxa uu intaasi ku daray abuurista Dowlad Falastiin ay sababi doonto uun inay Bariga Dhexe ka dhacaan weeraro la mid ah midkii bishii October oo kale.

Waxa uu dalalka Midowga Yurub uga digay inay aqoonsadaan Dowladda Falastiin, haddii kalena ay soo kordhin doonaan sida uu sheegay dal argagixiso.

“Aqoonsiga aad aqoonsaneysaan waxay dhali doontaa dal argagixiso.”Ayuu yiri Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel.

Waxa kaloo uu yiri “Ma aqbali doono arrintaasi. Abaalmarinta argagixisanimada ma keeneyso nabad, naga mana joojin doonto inaan ka adkaano Xamaas.”

Netanyahu ayaa ku hanjabay in Israel ay sii wadi doonto duulaankeeda Marinka Gaza, ayna maamuli Gaza, xitaa haddii ay dagaalka kaga adkaadaan Xamaas.

Israel ayaa si degdeg ah ugu yeertay Safiiradii u joogay dalalka Ireland, Spain iyo Norway, si ay wadatashi uga geliso xaaladda soo korortay, waana falcelintii ugu horreysay ee ay kaga jawaabeyso go’aanka ay qaateen.

Israel ayay nabar lama filaan ah ku noqotay is bedelka ku yimid mowqifkii reer galbeedka iyo inay dowlad u aqoonsadaan Falastiin.

Inta badan dowladaha caalamka ayaa horey u aqoonsaday Dowladda Falastiin. 143 ka mid ah 193-ka dal ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in Falastiin ay ka mid noqoto dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.

Ficilada foosha xun ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ayaa carro xoog leh ka dhaliyay dunida, iyadoo ay xoogeysaneyso qaddiyadda Falastiin ee masraxa caalamiga ah, waxayna tani Israel ay ku cadaadineysaa in ay wada hadal ka gasho hiigsiga laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool, waana tan qura ee xalka u ah in la soo afjaro colaadda labada dhinac ee tobanaanka sano jirsatay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker