Booliska Mareykanka oo baaraya nin gaari ku weeraray nin Soomaali ah

Booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa baaraya nin gaari ku weeraray Arbacadii shalay nin ka mid ah dadka salaadda ku ooga masaajidka Al-Xikma Islaamic Center ee magaaladaas ku yaalla.

Dhibbanaha oo 36 jir ah ahna Somali-Mareykan ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo aan halis ahayn waxaana loo qaaday isbitaal maxalli ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay waaxda booliska ee Minneapolis.Falkaan ayaa loo maleynayaa inuu salka ku hayo Islaam naceyb.

Imaamka masaajidka Al-xikma Islaamic Center oo lagu magacaabo Sheekh Cabdirisaaq Keynaan, oo BBC-da u warramay ayaa bogaadiyay tallaabada boolisku ay qaadeen isagoo sheegay in hadda ninka weerarka gaystay la xiray.

Sheekh Cabdirisaaq ayaa intaa ku daray in weerarka ninkaan uu soo qaaday uu khal-khal galiyay dadkii masaajidka ku tukanayay iyo guudahaan xaruunta.

Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O’Hara ayaa sheegay in baarayaashu ay ogaadeen in tuhmanaha weerarka gaystay uu horey dhowr jeer oo kale isla masaajidka Al-Xikma falal caynkaan ah uga gaystay.

Golaha Xiriirka Islaamka ee Maraykanka ayaa cambaareeyay falkaan waxaana ay sheegeen in ninkaan uu muddaba waday dhibaateynta masaajidka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker