Qaramada Midoobay oo hakisay qaybinta cuntada ee magaalada Rafax

Qaramada Midoobay ayaa hakisay qaybinta cuntada ee magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee Qaza, iyada oo ay ugu wacan tahay, saadka oo gababaabsi ah iyo xaaladdaha amni darrada oo sare u kacay.

Stephane Dujarric oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii sheegay in xarumaha cunto qaybinta ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee WFP iyo UNRWA, inay noqdeen goobo aan la gaadhi karin, iyada oo ay ugu wacan tahay hawlgallada milateri ee ka socda Rafax.

Dad ka badan hal milyan oo qof ayaa haatan waajahaya xaalad macaluul oo aad u sarraysa, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Marina xuduudda ee ku yaalla magaalada Rafax ayaa mar ahaa goobaha ugu muhiimsan ee gargaarka bini’aadanimo laga geliyo marinka Qaza, hase ahaatee waxaa la xidhay, tan iyo wixii ka dambeeyey bishan May 6-deedii.

Sidoo kale muddo laba maalmooda, ma jirto wax gaadiida oo ka ambabaxay dekedda ku meel gaadhka ah ee Maraykanku uu dhisay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker