Diyaaradda Ruto iyo wafdigiisu u raaceen Maraykanka oo qarashka ku baxay ay ka qayliyeen Kenyanku

Dawladda Kenya ayaa difaacday qiimaha uu ku kacay safarka Madaxweyne Ruto ku tagay Maraykanka.

Qiimaha lagu soo kireeyay diyaaradda nooca raaxada ah ee ay raaceen Ruto iyo wafdigiisa ayaa lagu qiyaasay $1.5m, sida uu sheegay telefishanka gaarka loo leeyahay ee KTN.

‘’Faa’iidada ka imaanaysa booqashadan ayaa malaayiin jeer ka badan tan aad ka hadlayso,’’ ayuu afhayeenka dawladda Isaac Mwaura uu sheegay BBC, isagoo aan xaqiijin qiimaha.

In kabadan 30 qof, oo uu ku jiro shactiroole caana, ayaa kamid ah dadka la socday wafdiga madaxweynaha ee ka dagay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, Isniintii.

Mr Ruto ayaa booqasho afar maalmood ah ku jooga Maraykanka, isagoo casuumaad ka helay dhiggiisa Joe Biden. Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee madaxweyne Kenyan ah ku tago Maraykanka muddo labataan sano ah, waana tii ugu horreysay ee hoggaamiye afrikaana ku tago muddo 16 sano ah.

Ruto ayaa wadahadal la yeelan doona berito oo Khamiisa Mr Biden, waxana diiradda lagu saari doonaa iskaashiga ganacsiga iyo ammaanka, oo ay ku jirto balantii Kenya ee ahayd in ay hoggaamiso ciidamo caalami ah si kala dambeynta loogu soo celiyo Haiti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker