Wakiilka Somaliland Ee KENYA Ayaa Shacabka Somaliland Ku Hambalyeey Munaasibada Qaran Ee 18MAY
Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan idinku hambalyeynayaa Xuska 18ka May oo ku beegan sanad guuradii 28naad ee ka soo wareegtay Gooni-isku taaga Jamhuuriyadda Somaliland maalintii lagaga dhawaaqay Gobolka Togdheer caasimadiisa Burco 18 May 1991kii.
Muwaadin, Mucaarad, Iyo Muxaafad, Culimo, Dhalinyaro waxaad niyada ku haysaan in dalkani xaalado amni iyo kuwo dhaqaale xumo soo maray, ka na soo dabaashay oo ku guuleysatay in iyada oo aan dal shisheeye taageero laga helin la dhisay hanaan dawladnimo oo shaqeeya, ciidan iyo calan u gaar ah, taasi na inagu dhiirigelinayso inaynu hayaanka horumarineed ee socda halkaa ka sii wadno illaa aynu ka xaqiijinayno in adduun weynaha codkeena kula garrano.
Ugu dambayntii waxaan idiinku baaqayaa in sidii idiin caadada idiin ahayd nabadgelyadiina aad xoojisaan oo ka dignootaan ficilada cadawga Somaliland is leeyahay maleeg maalintaa farxada iyo damaashaadka ah.
#SoomalilandSanadGuuroWacan