Dadka reer Qasa oo biyo la’aan wajahaya

Baaritaan ay samaysay BBC-da ayaa lagu ogaaday in in ka badan kala bar tas-hiilaadka biyaha iyo fayadhowrka Qasa ay waxyeelo soo gaartay ama ay burbureen tan iyo markii uu bilowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil u dhaxeeya bishii Oktoobar ee sanadkii hore. Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in cudurradu ay si xawli ah u sii fidayaan sababo la xiriira la’aanta biyo nadiif ah.

Shidaal yaraan ayaa sidoo kale ka hor istaagtay hay’adaha gargaarka in ay biyo badan ku keenaan baabuur.

Dadka Qasa ku sugan ayaa hadda hela biyo aan sidaa u badneyn oo aan kaafin karin nolosha dadka, waxaana jirta qiyas biyaha ku saabsan oo uu ku taliyay ururka caafimaadka adduunk ee WHO oo ah in maalintii ay helaan shan iyo toban litir oo biyo ah qofkiiba si uu u cabbo oo uu u isticmalao isla markaana, cuntada ugu karsado.

Milatariga Israa’iil oo ka falcelinayay baaritaanka BBC-da ayaa sheegay in cidda waxyeellaysay adeegga biyaha Qasa ay tahay Xamaas.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker