Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Shirka London Iyo Siyaasiinta Dhaliilay
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay shirka London oo qaar kamid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ay dhaliileen.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay bandhig ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya oo dowladii ka horeeysay ay sameeysay.
Farmaajo ayaa beeniyay in shirkaasi shidaalka Soomaaliya lagu beecinayo isaga oo sheegay in siyaasiin ka soo horjeedo hormarka Soomaaliya ay soo abaabuleen arintaasi.
Waxaa uu sheegay in dowlada uu isaga hogaamiyo aanayย ahayn dowlad ganacsi hayeeshee ay tahay dowlad doonayso in ay ka shaqeeyso arimaha dadweynaha.
Buuq badan ayaa ka dhashay shirka London maanta ka furmay oo ku saabsan soo bandhigista sahminta shidaalka Soomaaliya.