Miino uu farsameynayay nin ka tirsan Alshabaab oo ku qaraxday isaga iyo qoyskiisa

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay Miino uu farsameynayay dqof ka tirsanaa Alshabaab taas oo kula qaraxday ,isaga iyo qoyskiisa, gurigiisa oo ku yaal deegaanka Ceelsha Biyaha.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/le Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qarxaasi uu ku dhintay ninkii farsameynayay iyo laba caruur ah oo uu dhalay,sidoo kalana ay dhaawac tahay hooyada reerka.

“Labo carruur ah oo uu dhalay iyo isagii ayaa qaraxaas ku geeriyooday, waxaana dhaawac ah hooyadii qoyska”sida uu shegay Afhayeenka Boliiska Soomaaliyeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker