Maxay ahaayeen qaraxyada laga maqlay xalay magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay siyaabo kala duwan looga maqlay magaalada Muqdisho.

Qaraxa koobaad ayaa la dhigay afaafka hore ee saldhigga Degmada Waabari, kaas oo lagu dhex qariyay bac, waxaana ka hortegay ciidanka ammaanka ee dowladda.

Sidoo kale waxaa qaraxyo laga maqlay meelo ay ka mid tahay Degmada Boondheere.

War kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in inta badan dhawaaqa qaraxyada la maqlayey ay ahaayeen kuwa dheemish ah, isla markaana aysan gaysan wax khasaare ah.

“Waxaan Shacabka Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaaqa ay maqleen ay tahay uun baco la dhigay dhawr goobood oo kala duwan sidaas awgeed, wax dhib ah aanay jirin, magaaladuna waa nabad” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay taliska Booliska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker