Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Tanazania oo ka wadahadlay xoojinta xidhiidhka labada dal

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Dares Salaam kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda ku falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira socdaal rasmi ah oo uu ku joogo dalka Tanzania, kadib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

Madaxweynaha Tanzania ayaa sidoo kale kulankaasi ku aqbashey martiqaad uu u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay socdaal ku timaaddo Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker