Qarax Xoogan oo Goordhawayd ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho
Muqdisho ( OWN) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhowayd ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Fagax iyo wadada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, islamarkaana lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay marayeen agagaarka masjidka Turkiga oo ku yaal halkaasi.
Ilo deegaanka ayaa sidoo kale Oodwaynenews u sheegay in qaraxa, kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo rasaasta ay fureen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Xaaladda hadda ah mid kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.