Xubno ka tirsan Kooxda Daacish oo Weerar ka geysan lahaa oo la qabtay

Xafiiska Dacwad-Oogaha Jarmalka ayaa waxa uu Dacwado ku soo oogay 7 qof oo Ajaaniib ah, kuwaasi oo xubno ka ah Kooxda Daacishta ISIS Khorasan.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa la sheegay inay maleegayeen Weeraro Argagixiso oo ay ka geystaan gudaha Jarmalka iyo dalal ku yaalla Galbeedka Qaaradda Europe.

La-Tuhunsanayaasha ayaa waxaa la sheegay inay dalka Jarmalka ka soo galeen Xuduudka dalka Ukraine sanadkii 2022-kii, waxayna asaaseen waxa loogu yeeray Unug Argagixiso, iyagoo kaashanayo Muwaadin u dhashay Netherlands (Dutch) oo xubin ka ah Kooxda Daacish.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Dacwad-Oogaha Guud ee dalka Jarmalka waxaa magacyada

Eedeysanayaasha iyo dalalka ay u dhasheen lagu kala sheegay:

1- Ata Alif oo u dhashay dalka Turkmenistan,

2-  Maxamed Shahjah Alif u dhashay Tajikistan

3- Nouraldin K., oo u dhashay Tajikistan

4- Shamshad N., oo dhashay dalka Tajikistan

5- Saciid S., ooo u dhashay dalka Tajikistan

6- Rabani Z. Oo u dhashay dalka Tajikistan,

7- Abrarjan K, oo u dhashay dalka Kyrgyzstan.

Si kastaba, Eedeysanayaashaasi waxaa la qabtay bishii July ee sanadkii hore, kadib, markii ay Xiriir la yeesheen Kooxda Daacishta ee Gobalka Khorasan ee Waqooyiga dalka Afganistan.

Kooxda ISIS Khorasan waxay bishii hore sheegatay mas’uuliyada Toogashadii ka dhacday Caasimadda dalka Raashiya ee Moscow,  laguna dilay ugu yaraan 137 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker