Maraykanka oo si qarsoodi ah u siiyay Ukraine gantaallaha riddada dheer

Ukraine ayaa bilowday in ay isticmaasho gantaallaha balaastika ah ee riddada dheer, kuwaas oo ay si qarsoodi ah uga heshay Maraykanka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Maraykan ah.

Hubkan ayaa qayb ka ahaa gargaar gaaraya 300 oo milyan oo doolar oo uu Madaxweyne Biden ansixiyay bishii Maarso, bishana gaaray Ukraine.

Durba hal mar ayay isticmaaleen gantaallahan, iyagoo la beegsaday bartilmaameedyo Ruush ah oo ku yaala gobolka uu haysto ee Crimea, sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka.

Madaxweyne Biden waxa uu hadda saxiixay gargaar gaaraya 61 bilyan oo la siinayo Ukraine.

Maraykanku waxa uu horey u siiyay Ukraine gantaallaha riddada dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Biden ayaa la sheegay in uu si qarsoodi ah u ogolaaday in gantaallaha riddada dheer la siiyo Ukraine, kuwaas oo gaari kara illaa 300km bishii Febraayo.

‘’Waxan xaqiijinayaa in Maraykanku Ukraine siiyay gantaallaha ridda dheer ee ATACMS, iyadoo uu amarka bixiyay Madaxweynuhu,’’ ayuu yiri afhayeenka waaxda arimaha dibadda Maraykanka Vedant Patel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker