Madaxweynaha Somaliya oo ku baaqay in aan la siyaasadeyn wadashaqaynta Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war saxaafadeed kooban ka soo saaray xiriirka dawladdiisu la leedahay dawlada gobolleedyada gaar ahaan Puntland ayaa sheegay in muddaba dawladdiisu ku dadaalaysay xiriir wanaagsan oo ku dhisan nidaam sharci oo ay ku jirto maslaxadda dadka iyo dalka in lala yeesho hoggaanka Puntland.

Madaxweyne Xasan waxa uu yiri ‘’Dawladda Federaalka waxa ka go’an sidii horeba in aan la siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqaynta labada heer dawladdeed ee federaalka si gaara arimaha ku saabsan dhaqaallaha, horumarinta iyo la tacaalidda arimaha bini’aadanimada, iyadoo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin dawlad gobolleedyadu.’’

Madaxweynuhu waxa uu intaa ku daray ‘Aniga oo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ee ilaalinta wadajirka dalka, waxan xusuusinayaa sida uu qabo dastuurka dalka in dawlad gobolleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arimaha masiiriga ah ee dawladnimada Soomaaliyeed sida: Midnimada iyo wadajirka dalka, madaxbannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga wadanka iyo bedqabka muwaadinka’’ ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

War saxaafadeedka Madaxweynaha ayaa daba socda go’aankii dhawaan ay Puntland ku sheegtay in ay aqoonsigii kala laabatay dawladda federaalka, iyadoo ka ashtakoonaysa go’aan kii Barlamaanka Soomaaliya uu wax kaga badalay afar cutub oo kamid ah Dastuurka kmg ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker