Dagaalka Ukraine: Biden oo sheegay in Maraykanku uu u dirayo gargaar cusub toddobaadkan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay $95bn (£76bn) oo xirmo gargaar ah oo loogu talagalay Ukraine, Israel iyo Taiwan.

“Waxay ka dhigi doontaa Ameerika mid nabdoon, waxay ka dhigi doontaa adduunka mid nabdoon,” ayuu yiri ka dib markii uu saxiixay sharciga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Maraykanku uu u baahan yahay in uu “dhakhso u dhaq-dhaqaaqo” si uu hub iyo qalab cusub ugu diro Ukraine si ay Kyiv uga caawiyaan dagaalka Ruushka.

Hadaladiisa ayaa yimid maalin kadib markii senate-ka Mareykanka uu ansixiyay xirmada gargaarka dibadda kadib bilo uu shirgudoonku socday.

Ukraine ayaa dhawaan xoojisay baaqyada ku aaddan kaalmada reer galbeedka iyadoo Ruushku uu guulo isdaba joog ah ka gaarayo duulaankiisa.

Waxaa ku jira xirmada $61bn oo ah gargaarka milatari ee Ukraine. Waxay ku ansixiyeen Senate-ka cod laba geesood ah oo ah 79-18.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker