Botswana oo iska diiday muhaajiriinta Ingiriisku iska soo musaafurinayo

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Botswana ayaa TV laga leeyahay dalka Koonfur Afrika u sheegay in Dawladda Ingiriisku u soo bandhigtay wadan kiisa, haddii uu doonayo in xerooyin looga sameeyo muhaajiriinta UK laga soo musaafurinayo.

Laakiin wasiirku ma sheegin xiliga dalabkan la hordhigay Dawladdiisa.

Arintan ayaa dabo socota warrar aan la xaqiijin oo sheegaya in horraan tii bishan ay Dawladda Ingiriisku raadinaysay dallal ay ku badasho Rwanda, kuwaas oo ay kamid yihiin Botswana, Armenia, Ivory Cost iyo Costa Rica.

Isagoo waraysi taleefanka ah siiyay Newzroom Afrika, Lemogang Kwabe waxa uu sheegay in Botswana diiday codsiga, taas oo uu sheegay in uu soo gudbiyay Xoghayaha Arimaha Dibadda Britain iyo wasiirka Afrika, isagoo u soo mariyay marinno dublamaasiyeed.

Mudane Kwabe ayaa sheegay in aanay awoodin in ay aqbalaan muhaajiriinta ka imaanaysa Britain sababbo la xiriirra, in ay qabaan mushkiladdooda u gaarka ah ee socdaalka.

‘’Dawladda Britain dad kan uma dooneyso wadankeeda, sidaa daraadeed waxay u doonayaan in ay ku xabaalaan dal fog……….in aan aqbalno muhaajiriinta wadan kale, xili aan la daalaa dhacayno mushkiladda noo gaarka ah ee gobolkeena, taasi cadaalad uma aha Botswana,’’ ayuu yiri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker