Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo lagu wado in uu tago dekadda weyn ee magaalada Muqdisho

Sida ay baahisay warbaahinta Dawladda Federaalka, waxa lagu wadaa in Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho uu ku xirto Markab dagaal oo uu leeyahay dalka Turkiga.

Wadooyinka soo gala Dekadda magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, waxana lagu wadaa in markabka dushiisa ay tagaan madax ka tirsan Dawladda Federaalka.

Warbaahinta Dawladdu ma faahfaahin ujeedka ciidanka badda ee Turkiga ee maanta tagaya Muqdisho, waxaase jira heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo dhigayay in biyaha Soomaaliya ay Turkidu ilaaliyaan.

Heshiis kan ayaa yimid kaddib markii Dawladda Federaalku ka carootay heshiis kii is af garadka ahaa ee kowdii janaayo Addis Ababa ku dhexmaray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed iyo Madaxweynaha jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo dhigayay in Itoobiya laga siiyo saldhig iyo dekad badda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker