Madaxweyne Erdogan oo dunida tusay in la tagi karo dalka Ciraaq

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii shalay booqasho taariikhi ahayd ku tegay dalka Ciraaq, isagoona dunida tusay in madaxdu tagi karaan dalkaasi, ka dib markii Mareykanku uu sheegay in ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ay sii joogi doonaan dalkaasi, si ay wax uga qabtaan xaaladdiisa amni, inkastoo isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ay Ciraaq u joogaan danahooda gobolka.

Mareykanka ayaa muddooyinkanba ka biyo diidanaa dalabaadka Dowladda Ciraaq ee looga dalbanayo in ciidamadiisa iyo kuwa kale ee shisheeye ay isaga baxaan dalka. Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii ay xiisad ka dhex qaraxday Ciidamaada Mareykanka iyo xoogaga ay Iran taageerto ee ka hawlgala dalkaasi, kuwaa oo ka careysan weerarada naxariis darrada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Kooxahan oo loo arko Islaamiyiin qunyar socod ah ayaa si adag uga horyimid taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Israel oo muhiim u ah duulaankeeda Gaza. Kooxahan ayaana bartamihii bishii October bilaabay inay weeraraan saldhigyada ay Ciidamada Mareykanka kaga sugan yihiin dalkaasi Ciraaq.

Xoogagan oo lagu sheegay cadowga Israel iyo xulafada Xoogaga Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa ku hanjabay inay ballaarin doonaan weerarada ay ku hayaan Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin gobolka, haddii aysan Washington joojin taageeradeeda Israel. Mareykanka oo digniintaasi dhegaha ka fureystay ayaana keentay in xoogagaasi ay askar ka dilaan, kuwa kalena ay ka dhaawacaan ciidamadiisa ku sugan gobolka.

Xoogagan ayaa 28-kii bishii January weerar aan horey noociisa loo arag ku qaaday saldhig qarsoodi ah oo Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin waqooyi bari Jordan. Weerarkaasi oo diyaarad drone ahayd loo adeegsaday ayaa galaaftay nolosha saddex ka mid ah Militariga Mareykanka, halka in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacantay.

Mareykanka oo ka carooday weerarkaasi ayaa 3-dii bishii February dalalka Ciraaq iyo Suuriya ka gaystay duqaymo culus, oo uu kaga aargudanayay weerarka lagu dilay askartiisa, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Ciraaq oo markaasi ku soo baraarugtay in uu kordhiyo dareenka xun ee ka dhashay duulaanka Israel ee Gaza ayaana Mareykanka ka dalbatay in uu soo geba-gabeeyo joogitaankiisii Ciraaq, iyadoo Baghdad ka carareyso in ay ku kacaan isbahaysiga militari ee ay Iran taageerto ee ka hawlgala gudaha Ciraaq iyo dalalka deriska.

Mareykanka ayaase ku andacooday in joogitaankiisa Ciraaq ay muhiim u tahay in si buuxdo looga adkaado Ururka Daacish, oo mar ahaa mid saamayn weyn ku leh Ciraaq iyo Suuriya, iyadoona ay Washington ku dooday in khatarta Daacish ee Ciraaq ay weli tahay mid muuqato.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa qoreysa in Erdogan uu dunida u muujiyay sawir ka duwan midkii hore ay ka haysatay dalkaasi, ee ah in uu yahay dal aan la tagi karin.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa ka degay Magaalooyinka Baghdad iyo Erbil, isagoona siyaabooyin kala duwan ugu la kulmay Madaxda Dowladda Ciraaq iyo Maamulka Gobolka Kurdistan.

Madaxweyne Erdogan oo ku hormaray Caasimadda Baghdad ayaa la kulmay Raysal Wasaare Mohammed Shia’ Al Sudani iyo Madaxweyne Abdul Latif Rashid.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira dhinacyada amniga, tamarta, iskaashiga dhaqaalaha iyo sidoo kale heshiis 10 sano ah oo ku saabsan maareynta khayraadka biyaha, si Baghdad ay u xaqiijiso saamiga ay ka hesho qulqulka biyaha Webiyada Euphrates iyo Tigris, ka dib biyo xireenkii uu Turkigu ku sameeyay uu sii xumeeyay xaaladda biyo yaraanta ee Ciraaq.

Madaxweyne Erdogan ayaa Baghdad ka sheegay “Waxaan aaminsanahay in booqashadayda iyo heshiisyada aan saxiixay ay noqon doonaan is bedel cusub oo ku yimaada xiriirka Turkiga iyo Ciraaq.”

Sida uu sheegay Raysal Wasaaraha Ciraaq, Mohammed Shia’ Al Sudani, labada dowladood ayaa kala saxiixday illaa 24 heshiis.

Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee shalay u kicitamay Magaalada Erbil ee Xarunta Gobolka Kurdistan ee waqooyiga dalkaasi Ciraaq, waxaana halkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Kurdistan, Nechirvan Barzani, kaas oo ay si dhow uga wada hadleen arrimaha amniga iyo dhaqaalaha, iyagoo markaasi xoojinaya iskaashigooda ganacsiga iyo nabadda.

Erdogan ayaana tegay dalkaasi, xilli ay xiisad adag ka jirto Gobolka Bariga Dhexe, tanina waxay soo jiidatay indhaha Warbaahinta caalamiga ah iyo bulshada dunidaba.

Xiisadda kacsan ee ka jirta gobolka ayaa xudun u ah duulaanka Israel ee Gaza iyo isku dhaca Iran iyo Israel, oo dabka ku sii shidday xiisadda Bariga Dhexe.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa marar badan dhalleeceeyay duulaanka Israel ee Gaza iyo taageerada indha la’aanta ah ee Mareykanka uu siiyo Tel Aviv.

Booqashadan ayaa waxay noqonaysa tii koowaad ee Madaxweyne Erdogan uu ku taggo dalkaasi, tan iyo intii uu noqday Madaxweynaha Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa bishii March ee sanadkii 2011 booqday dalkaasi, gaar ahaan Magaalada Erbil, markaas oo uu ahaa Raysal Wasaaraha Turkiga.

Erdogan ayay Soomaalida ku xusuusataa in bishii August ee sanadkii 2011 uu indhaha caalamka ku soo jeediyay Somaliya, xilligaas oo Gobolada Koonfureed ay ka jireen abaaro ay ku dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay rubac milyan qof. Booqashadiisan taariikhiga ah waxay timid, xilli galbeedka ay Somaliya u arkayeen dalka aan la tagi karin.

Erdogan ayaa lagu ammaanaa in uu tusay madaxda reer galbeedka iyo hay’adahooda ka shaqeeya arrimaha samafalka ay iman karaan Somaliya.

Booqashada Erdogan ee Somaliya ayaa bilow wanaagsan u noqotay xiriirka aadka u xoogeysanaya ee ay leeyihiin labada dal.

Turkiga waxaa lagu tilmaamaa saaxiibka ugu weyn ee ay maanta Somaliya leedahay, iyadoo uu ka taageero arrimaha amniga, dib-u-dhiska ciidamada & tayayntooda, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Erdogan oo bishii May ee sanadkii hore dib loogu doortay xilka, waxaana uu noqonaya hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee soo mara Turkiga casriga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker