Muran dhul ka dhashay oo kumannaan Itoobiyaan ah guri la’aan dhigay

Dagaalka ka dhashay muranka dhulka ee xudduudaha gobollada Tigray iyo Amhara ayaa barakiciyay ku dhowaad 29,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dagaalka ayaa billowday toddobaadkii lasoo dhaafay wuxuuna u dhaxeeyay ciidamada labada gobol ee degmada Raya Alamata, oo ay labada dhinacba sheegtaan.

Saraakiisha ku sugan gobolka Amhara ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigray inay duullaan qaadeen, balse maleeshiyadii hore ee Tigray ayaa beeniyay eedeyntan.

Dagaal sokeeye oo labo sano socday ayaa dhammaaday daba-yaaqadii 2022, kadib markii dowladda dhexe ee Itoobiya ay heshiis la saxiixatay ciidamada Tigray.

Si kastaba, waxaan weli la xallin arrimo badan oo ay ka mid tahay hub ka dhigista iyo deegaannada la isku heysto.

Degmada Raya Alamata ayaa laga xukumayay Tigray ilaa markii uu dagaalku qarxay 2020, balse ciidamada Amhara ayaa kadib la wareegay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker