Soomaaliya oo soo dhaweysay Warmurtiyeedkii G7 laakinse shuruud ku xirtay wadahadalka Ethiopia

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhaweyneyso warmurtiyeedkii kasoo baxay dalalka G7.

War-saxaafdeedka ayaa lagu sheegay “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April.

Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go’an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Ayaa lagu sheegay warsaxafadeedka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u heellantahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, ayna ku howlantahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika.

Hasa yeeshee Soomaaliya waxa ay tiri: “Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi’ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland)” ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda’a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warmurtiyeedka dalalka G7 ayaa waxa ka mid ahaa qoddob ka hadlaya walaaca ay ka muujiyeey heshiiskii isfagarad ee Itoobiya iyo Somaliland, waxayna sidoo kale sheegeen inay ku dhiirigelinayaan Itoobiya iyo Soomaaliya “in ay furnaadaan dhammaan waddooyinka wada-hadallada si looga hortago in ay ay xaaladdu sii xumaado…”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker