Israa’iil oo weerar Gantaalo ah ku qaaday gudaha dalka Iiraan

Wararka ka imaanaya Bariga dhexe ayaa sheegaya in Israa’iil aroornimadii hore ee saakay weerar ay u adeegsatay Gantaalada ridada dheer iney ku qaaday dalka Iiraan.

Israa’iil ayaa weerarka Gantaalada ah ku qaaday goobo bartilmaameedyo u ahaa oo ku yaala gudaha dalkaasi Iiraan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in jugta qarax weyn laga maqlay gobolka Isfahan oo ay ku yaalaan goobo muhim ah oo kala ah saldhig weyn oo dhanka cirka ah, goob lagu sameeyo Gantaalada iyo goobo kale oo ay ku jiraan xarumo Nukliyeer ah.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Isra’iil maalmahii lasoo dhaafay ay ku hanjabeysay iney jawaab ka bixin doonto weerarkii cuslaa ee Iiraan ka geysatay Sabtidii hore gudaha dalkeeda.

Si kastaba ha ahaate illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Iiraan iyo Isra’iil oo ku aadan weerarkaan saakay dhacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker