Blinken oo diiday inuu ka jawaabo su’aal ku saabsaneed, haddii Mareykanku ogaa weerarkii xalay Israa’iil ku qaadday Iran
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa suโaalo laga waydiiyay wixii dalkiisu ka ogaa weerarkii ay Israa’iil ku qaadday Iran, balse arrintaa waa uu diiday inuu ka jawaabo.
Wuxuu ku soo koobay hadalkiisa Mareykanku “kuma lug lahayn wax hawlgal weerar ah”.
Waxa uu sheegay in Maraykanka iyo G7 ay diiradda saareen sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha iyo “isku dhac kasta oo iman kara”.
Blinken waxa uu intaa ku daray in Israa’iil ay la kulantay “weerar aan hore loo arag” iyo in