Rag hubeysan oo Goor dhow Dil ka geystay degaan ka tirsan Galgaduud

Wararka aan ka heleyno deegaan lagu magacaabo Hulkujir oo hoostaga degmada Xeeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi uu ka dhacay dil loo geystay Nin kamid ahaa dadka deegaanka Hulkujir.

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah oo watay qori AK-47 ayaa dilka u geystay Nin sida la tilmaamay xoolo dhaqato ahaa, kaasi oo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Dad ku sugan deegaanka Hulkujir ee hoostaga degmada Xeeraale ee Gobolka Galgaduud  ayaa kusoo warramay in dilka kadib ay baxsadeen maleeshiyaadkii hubeysnaa ee falka geystay, goobta ayaana markii dambe laga qaaday Meydka marxuumka dhintay.

Deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo laab-laabanayay dilal qorsheysan oo salka ku haaya arrimo la xiriira aano beeleed, iyadoona horey heshiisyo loo kala dhex dhigay beelo dagaalamay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker