Maxamuud Cabbaas oo diiday qorshe uusoo Bandhigay Joe Biden

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa lagu warramaya inuu diidday qorshe uu usoo bandhigay Madaxweynaha Mareykanka , Joe Biden, oo ka dalbaday inuu joojiyo qaraarka qabyada ah ee maanta oo Khamiista la horgeynayo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay warbaahinta Axios oo ku dhow Aqalka Cad.

Helitaanka xubin buuxda – taas oo u dhiganta in Qaramada Midoobay ay aqoonsato dawlad Falastiin – marka hore waxay u baahan tahay sagaal cod si qaraarka loo horgeeyo  15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo cod u qaadaya.

Golaha, oo uu ku jiro Mareykanka, ayaa wuxuu u baahan doonaa inuu ansixiyo codsiga, ka dibna waa inuu helaa ugu yaraan saddex-meelood laba meel codadka Golaha Guud, si ay Falastiin uga dalacdo goob-joogaha ay ka tahay Qaramada Midoobay oo ay u noqoto dal xubin buuxa ka ah.

Saraakiisha Maraykanka iyo Israa’iil ayaa sheegay in maamulka Biden uu isku dayayo inuu ka hor istaago Falastiiniyiinta inay helaan sagaalka cod si uusan Mareykanka ugu qasbanaan inuu adeegsado codka qayaxan oo dhaleeceyn badan uu kala kulmay saddex mar oo uu u adeegsaday qaraar ku baaqayay xabbad-jooninta Qasa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker