Safaarada Somalia ee Dalka Kenya oo Shaqadeedii la Hakiyay
Nairobi (OWN) – Danjiraha Soomaaliya U fadhiya Dalka Kenya Ambassador Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Safaaraddu ay shaqada Hakin doonto muddo Toddobaad ah oo ka billaabanaysa maalinta Talaadada, si looga fogaado faafidda cudurka COVID 19 ee uu keeno Corona Fayrus.
Safiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ugu baaqay in ay raacaan tilmaamaha ay dowladda Kenya bixisay ee looga fogaanayo cudurka.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu yidhi “Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayada oo Tixgalinaysa Amarrada iyo go’annada ka soo baxay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ee ku aaddan cudurka Korona Fayrus (COVID-19) waxa ay Hakisay dhammaan howlihii safaaradda muddo toddobaad ah oo la badin karo taas oo ka billaabanaysa Talaado 24ka March ilaa Isniin 30ka Maarso 2020.
Muddadaan, Safaaraddu waxa ay qaban doontaa howlaha degdegga ah oo kaliya, wixii faahfaahin ahna waxaad kala socon doontaan bogagga rasmiga ah ee safaaradda.”
Dowladda Kenya ayaa xidhay dhammaan goobaha la isugu yimaado, iyadoo ku baaqday in shaqooyinka laga fasaxo dadka laga maarmo ama ay xaafadahooda ka soo shaqo Tagaan.
Wadanka Kenya waxaa laga helay 17 kiis oo ah dad qaba cudurka COVID 19.