Faransiiska oo dadaal ugu jira cayminta sumcaddiisa suuleysa

Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Faransiiska ayaa ka wadahadlay sidii ay dib ugu boorka uga jafi lahaayeen xiriirka labada dal oo in muddo ahba xumaa, ka dibna kulan Arbacadii Paris ku dhex maray madaxweyne Emmanuel Macron iyo dhiiggiisa Afrikada Dhexe, Faustin-Archange Touadera.

Booqashada madaxweyne Touadera oo ku tagey Paris oo ah tiisii labaad muddo 6 bilood gudahood ah ayaa muujinaya sida uu u soo hagaagayo xiriirka dalkiisa kala dhexeeya dalkii soo gumeystey, kaas oo xumaaday markii Jamhuuriyadda Afrikada Dhexeku xiratay Ruushka.

Inkasta oo aan la shaacin waxyaabaha labada Madaxweyne ay ka wada hadleen, haddana labada dal waxay isku raaceen geeddi-socod ay ku tabcayaan iskaashi ku saleysan ixtiraam iyo qadarin oo dhex mara Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Faransiiska.

Faransiiska oo sannadihii ugu dambeeyey luminayey saameyntii uu ku lahaa qaaradda Afrika, ayaa doonaya in uu fursaddan uga faa’ideysto sidii uu u caymin lahaa sumcaddiisa suuleysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker