Puntland oo qaaddacday shirka golaha wadatashiga ee uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheikh
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo ay aqoonsan yihiin oo ay wada xaajood la galaan.
βDowladda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay dib ugu soo laabato ka hor inta aan laga doodin masiirka Soomaaliyaβ ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir, isagoo ka dhawaajiyay in Puntland ay ku adkaysanayso in aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo ay aqoonsan yihiin.
Wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya in looga baahan yahay inay kusoo laabato xayndaabka sharciyadda, markaas kadibna ay diyaar u yihiin ay ka qeyb galaan wada xaajoodyada arrimaha dastuurka looga doodayo.
Goβaanka ay Puntland ku qaaddacday shirka wadatashiga ayaa hoosta ka xarriiqaya heerka uu leβeg yahay khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.




