Shiinaha oo war kasoo saaray xaaladda Iran iyo Siraa’iil

Shiinaha ayaa sidoo kale saacad ka hore ka hadlay xaaladda Iran iyo Israa’iil, laakiin wuu ka gaabsaday inuu cambaareeyo weerarada.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu dalkan ka midka ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ku sheegtay in ay aad uga walaacsan yihiin xaaladda sii xumaanaysa ee hadda jirta, isaga oo intaa ku daray in ay ugu baaqayaan “dhinacyada ay khusayso in ay is dejiyaan oo ay is xakameeyaan si looga fogaado in xiisaddu sii kororto”.

Shiinaha ayaa xiriir diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo dhow la leh Iran – Mareykanka ayaa usbuucii la soo dhaafay ugu baaqayay Beijing in ay ku booriso Tehran in aysan qaadin weerar aargoosi ah oo ka dhan ah Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Maraykanka ayaa si gaar ah u sheegay in aysan arkin wax caddaynaya in Shiinuhu uu cadaadis saaray Iran, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Financial Times.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker