Dad tiro badan oo isugu soo baxay Iran

Ka dib markii ciidamada ilaalada kacaanka Iran (IRGC) ay weerar gantaalo ah ku qaadeen Israa’iil, taageereyaal badan oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran u dhashay oo sita astaanta Falastiin, ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tehran iyagoo mujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin.

Weerarka ayaa loo arkayay mid muhiim u ah IRGC si ay u ilaaliso kalsoonida ay ku dhex leeyihiin xulafada gobolka iyo taageerayaasheeda gudaha.

Taliyaha guud ee ciidamada Iran Maj Gen Mohammad Bagheri, ayaa sheegay in bartilmaameedyada gudaha Israa’iil ay ka mid tahay saldhigga ciidamada cirka ee Israa’iil ee Notam, halkaas oo diyaaradaha F35 ee Israa’iil ay ka soo duuleen laba toddobaad ka hor, taasoo keentay dhimashada toddobo taliye oo IRGC ah oo ku sugnaa qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker