Masuulkii uu Madaxwayne Farmaajo u magacaabay Hay,adda Sirdoonka ee Nisa oo Xafiiskii Loo Diiday

Muqdisho (OWN) – Xiisad u dhaxeysa laba ciidan oo kawada tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maanta ka taagan xarunta looga arrimiyo hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee Nisa.

Dhaq-dhaqaaqa Ciidan ee ka jira aagga Isgoyska Jubba oo ay ku taalla xarunta NISA ayaa yimid kadib markii ay maanta ciidamada Duufaan ee Nabad-Sugidda Soomaaliya markii ay ciidamo kale soo duldegeen.

Ciidamada Duufaan ayuu qorshahoodu ahaa in Yaasiin Faray oo Madaxweyne Farmaajo xalay u magacaabay Agaasimaha NISA in ay geeyaan Xafiiska ugu sarreeya ee hay’adda NISA,

balse waxaa la sheegay in loo diiday in uu furto xafiiska agaasimaha, laakiin uu tagay xaruntii uu marka hore ku shaqeyn jiray oo isla NISA ku taalla.

Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah taliyaha ciidanka Waran ee hay’adda NISA, oo ah ciidanka ilaaliya xarunta taliska ayaa diiday qorshihii Villa Somalia maanta ka damacsaneyd xaruntaas, iyadoo xiisad muddo taagneed kadib ay dib u gurasho sameeyeen ciidankii Duufaan.

Maxamed Xasan, oo ay isku ku beel yihiin ra’iisul wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu yahay sarkaalkii hadda kahor diiday inuu weeraray hotelka Ma’ida ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugnaa, taasi oo keentay in la xidho, inkasta oo markii dambe lasii daayey.

Ciidanka Waran, ayaa lagu warramay inay si buuxda uga amar qaataan Maxamed Xasan, islamarkaana ay yihiin kuwa hadda haysta xarunta NISA, ayaga oo taabacsan ra’iisul wasaare Rooble.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker