Kenya oo joojisey sharoobbo caan ah ka dib markii la ogaadey khatar ku duugan

Boqollaal Kun oo carruur ah oo ku nool dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ay ku maqan tahay waxyeello ka soo gaartey sharoobbo lagula tacaalo qufaca oo dalka caan ka ah, ka dib markii halisteeda la ogaadey.

Guddiga la socoshada daawooyinka iyo walxaha sunta ah ee Kenya ayaa Khamiistii diginin ka soo saaray qaybinta, iibinta iyo isticmaalka sharoobada qufaca Benylin Pediatrics oo carruurta loo qoro, waxayse ka gaabiyeen in ay daawada dib ugu yeeraan.

Go’aanka Kenya ku hakisey daawadan ayaa yimid ka dib markii baaritaan uu sameeyey shaybaar ku yaal Nayjeeriya lagu ogaadey in sharoobada Benylin Pediatricsay ku badan tahay maaddada diethylene glycol oo sida la sheegay sabab u ahayd geerida carruur ugu sumoobay dalalka Gambia, Uzbekistan and Kameroon.

Sida uu qoray Wargreyska Nation, Sharoobada Benylin Pediatricsee Kenya laga isticmaalo iyo midda laga mamnuucay dalka Nayjeeriya waxa soo wada saarta shirkadda Johnsons & Johnsons ee fadhigeedu yahay Koonfur Afrika. Waxaana loo isticmaalaa samboorka iyo jirdiidka ku dhaca carruurta ka weyn Lixda sano.

Dr Fred Siyoi oo ah Agaasimaha Guddiga Daawooyinka iyo Walxaha sunta ah, ayaa dadweynaha kula taliyey in ciddii haysata sharoobada ku suntan lambar 329304 ay si deg-deg ah u geeyaan xarunta caafimaad ee ugu dhow.

Wakaaladda Nayjeeriya u qaabilsan Maamulka Cuntada iyo Daawada (NAFDAC) ayaa Arbacadii shaacisay in baaritan algu sameeyey sharoobada Benylin Paediatric lagu helay kiimikada diethylene glycol heerkeedu sarreeyo.

Sida ku cad diiwaanka daawooyinka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Diethylene glycol asal ahaan waa kiimiko maandooriye sun ah, waxaana inta badan loo isticmaaaa dhanka warshadaha, gaar ahaan sameynta rinjiga, khadda iyo saliidda bareegga baabuurta.

Kiimikadan oo dhadhanka birta leh, waxaa laga qaadaa madax xanuun, wareer, kelyo xanuun, daal badan iyo jirka oo barara.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker