Australia oo sheegtay in ay Falastiin dowlad u aqoonsaneyso

Wasiiradda Arrimaha Dibedda Australia Penny Wong ayaa tibaaxday in dalkeedu aqoonsanayo dowladnimada Falastiin, si loo dardargeliyo dadaallada nabadda.

Waxayse meesha ka saartay in ururka Xamaas uu wax door ah ku yeelasho dowladda Falastiin ee mustaqbalka.

Hadalka Penny Wong ayaa waxaa durba ka biyo diidey mucaaridka dalkaas iyo xiriirka Sahnuuniyiinta Astralia oo hadalkaas ku tilmamay mid laablakac ah.

Dowladda Australia ayaa in muddo ah ku adkeysaneysey in qaranimada Falastiin ay ku imaan karto xal labo geesood ah oo Isra’il raalli ka tahay oo qura.

Laakiin faallada Ms Wong ayaa laga dhadhansan karey hadalk uu horraantii sanadkan jeediyey Wasiirk Arrimaha Dibedda UK David Cameron, kaas oo uu ku duurxulay in Britain ay aqoonsan karto dowladnimada Falastiin iyada oo aan lagala tashan Isra’il.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa Arbacadii xaqiijiyey in xukuumaddiisu ay mar horeba billowday qorsheheeda ku aadden aqoonsiga Falastiin oo uu sheegay in ay ku jirto danta Yurub.

Dowladda Australia ayaa waayahan dambe walaac ka muujinesey dagaalka daba-dheeraaday ee Qasa, halkaas oo dhawaan lagu diley samafaleyaal uu ku jiro muwaadin dalkaas u dhashay.

Shaqaalahan gargaarka oo u shaqeynayey urur samafal oo ka shaqeeya quudinta dadka baahan, ayaa waxaa duqeyn ku diley ciidamada Isra’il, taas oo aad uga careysiisay dalalkii ay u dhasheen oo ay ku jiraan kuwo si furcaddi ah u taageersanaa gulufka Isra’il ku hayso Qasa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker