Itoobiya oo ku biireysa Beesha Bariga Afrika

Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay noqoto dalkii 9-aad ee Beesha Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo EAC, taas oo ku soo beegmeysa dhowr bilood ka dib markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay urur goboleedkan.

Wasiirka Kenya u qaabilsan Bariga Afrika iyo Horumarinta Dhulka Egenka ah, Peninah Malonza ayaa warkan ka sheegtay munaasibad cunto gargaar ah lagu qaybinayey oo ka dhacday degmada Kitui ee gobolka Bari.

Ms. Malonza oo sii hadleysa ayaa shaaca ka qaadday in wadahadallaa u dhexeeya Addis Ababa iyo madaxdaa ugu sarreya dallada EAC ay meel gebogebo ah marayaan, islamarkaana ay Itoobiya ay goor dhow ku soo biireyso Beesha Bartiga Afrika.

Peninah Malonza oo uu soo xigtey Telefishinka Dowladda Kenya ee KBC intaas ku dartay in dalalka ku midoobey Beesha Bariga Afrika ay doonayaan in ay mideeyaan siyaasadahooda ku aadden hirgelinta hannaan maaliyadeed oo qura iyo hay’adihii yagleeli lahaa lacag qura oo dalalkaas yeeshaan.

Beesha Bariga Afrika waxaa ku bahoobay 8 dal oo kala ah: Burundi, DR Congo, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaana xarun u ahmagaalada Caruusha ee dalka Tanzaniya.

Inkastoo aan dhanka Itoobiya weli laga hayn wax xaqiijinya jiritaanka xogta ay bixisay wasiirddu, haddana waxaan qarsooneyn in EAC dooneyso in ay isku ballaariso Bariga Afrika, waxayna sidoo kale u gacan haatineysaa dalalka Jibuuti, Eriteriya iyo Sudan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker