Gaza: Dad kusoo noqday goobihii burburay ee Khan Younis

Dadka soo laabtay ayaa muuqaalada burburay ee magaaladooda ay u uqaadan l’ayihiin mid run ah. kumanaan Falastiiniyiinta ah ee kusoo laabanayaan Khan Younis,Gaza.

Waddooyinka burburay, waxay ku yimadeen baaskiillo, gaari-dameer iyo iyaga oo lugeynaya, iyaga oo raadinaya guryahoodii iyo waxa ka haray .

“Waxa aan aadayaa gurigayga, inkasta oo aan ogahay in uu burburay, waxa aan doonayaa in aan burburka kasoo saaro xitaa hal shaati,” Mohammed Abou Diab ayaa sidaas yiri.

Israa’iil ayaa ciidamadieeda kala baxday koonfurta Qaza, halkaas oo ay kaga hareen hal guuto oo keliya.

Urta dadki dhintay ayaa weli hawada ku jirta, sida ay sheegeen dadka deegaanka, iyadoo meydadku ay weli yaallaan burburka hoostiisa. Baaxadda burburka halkaasi ka jira ayeey aad uga naxeen.

“Burburku aad buu u weyn yahay, dhammaan waxa ay u baahan yihiin in dib loo dhiso, kuma habboona in bini’aadamku ku noolaadaan – xitaa xayawaanka,” Abu Saif Abu Mustafa ayaa sidaasi sheegay .

“Waxay u egtahay sida in uu dhul gariir ku dhuftay magaalada,” ayu yiri Rashad Khamis al-Najjar oo kasoo jeeda gobolka Khan Younis .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker