Dal Muslimiintii uu cinqaabi jirey hadda miciin biday

boqollaal ka tirsan bulshada Muslimiinta Myanmar ee Rohingya askareynayo si ay ugu biiraan ciidamada dowladda oo khasaare ka soo gaarey dagaalka ay kula jiraan kooxo fallaago ah.

Muslimiinta Rohingya ayaa horay loogu diidey dhalashada dalkaas, waxaana 2017 loo geystey wax Qaramada Midoobey ku micneysay isir-sifeyn iyo tacaddiyo kale oo uu maleegay taliska militari ee dalkaas haysta.

Laakiin taliska Myanmar ayaa ka dib markii uu jab kala kulmay dagaalka uu kula jiro kooxo fallaago ah, wuxuu miciin biday dadkii dhowr sano ka hor loo quuri waayey xaquuqda muwaadinimo, islamarkaana dhulkoodi khasab looga barakiciyey.

Qaar ka mid ah bulshada Rohingya oo hadlay ayaa  sheegay welwelka ay ka qabaan in dowladdu u adeegsato xaabo lagu shido dagaal aysan shaqo ku lahayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker