New Zealand oo war cusub kasoo saartay dadka muhaajiriinta ah

New Zealand ayaa ku dhawaaqday in si degdeg ah loo adkeynayo sharciyada dal ku galka si loo joojiyo qulqulka muhaajiriinta imaanaya, kuwaasoo gaaray heerkii ugu sarreeyay sanadkii hore.

Waxaa yimid boqol iyo toddobaatan iyo saddex kun oo qof, tiradaas oo ay dowladdu ku tilmaantay mid aan la sii wadi karin.

New Zealand waxa ku nool in ka badan shan milyan oo qof.

Hadda wixii ka dambeeya, waxaa jiri doona imtixaano adag oo Ingiriisi ah oo laga qaadayo shaqaalaha xirfadaha yaryar, iyo hoos u dhac ku yimid waqtiga dadka qaar ay sii joogi karaan dalka.

Australia waxay sidoo kale dhawaan soo bandhigtay sharciyo adag oo dalkugalka ah si loo xakameeyo socdaalka sii kordhaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker