Nabadoon lagu dilay Muqdisho

Allaha u naxariistee Nabadoon Muxudiin Cali Cariif ayaa xalay fiidkii lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen xaafadda Sii Sii ee qaybteeda Degmada Kaaraan, iyagoona rasaas kaga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa.

Kooxahan ayaa la sheegay in dilka ka dib ay goobta ka baxsadeen, iyadoo aan wax badan laga ogeyn cidda ay ka tirsan yihiin.

Ciidamada amniga ayaa mar dambe gaaray goobtaasi, umana suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxahaasi.

Nabadoon Muxudiin Cali Cariif ayaa ka mid ahaa Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed, mana cadda ujeedada ka dambeysay dilkiisa.

Nabadoonka ayaa ahaa aabaha dhalay Madaxa Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda ugu magacaaban Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Cismaan Muxudiin Cali.

Cismaan Muxudiin oo sanadkii 2014 loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa degmadaasi maamulayay muddo dhowr sano ah, waana nin dhallinyaro ah oo siyaasad ahaan lala xiriiriyo garabka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker