Sierra Leone oo ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ku saabsan daroogada kush – oo laga sameeyay lafaha aadanaha

Madaxweynaha dalka Sierra Leone ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah oo la xiriirta isticmaalka daroogada oo aad u baahday.

Daroogada Kush, oo ah isku dhafka nafsaaniga ah ee walxaha la qabatimay, ayaa dalka ku baahday sanado badan. Madaxweyne Julius Maada Bio ayaa dawadan ku tilmaamay “dabin dhimasho” wuxuuna sheegay inay keentay “dhibaato jxoogga”.

Mid ka mid ah maaddooyinka faraha badan ee ay ka kooban tahay dawadan ayaa ah lafaha bini’aadamka – waxaa aad loo adkeeyay ammaanka xabaalaha si loo joojiyo dadka balwadda leh ee qodaya qalfoofka qabuuraha.

Kooxo dhallinyaro u badan oo fadhiya geesaha waddooyinka oo ay luguhu bararsan yihiin wsaameyn ka soo gaartay Kushta ayaa ah arrin caadi ka ah dalka Sierra Leone.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker