30 sano ka hor ayeey ka qaxday dalkii ay ku dhalatay, hadda ayey dib ugu laabatay

Aniga oo 12 jir ah ayaa ka qaxay gurigeyga Ruwaanda, oo ah dalkii aan ku dhashay, 30 sano ka hor aniga oo 12 jir ah – aniga iyo qoyskeyga waxa aan kasoo cararnay argagaxii ka dhacay xasuuqii 1994-kii.ayeey tiri Victoria Uwonkunda.

Waxa ay ku kortay Kenya iyo Norway, haddana waxa ay deggantahay London, waxa aan marar badan is weydiin jiray beey tiri, sida ay noqon doonto haddii aan ku laabto oo aan soo eego bal sida ay dalka iyo dadku usoo kabsadeen .

Markii la ii soo bandhigay fursad aan halkaas ugu safro si aan uga sameyo filim dokumentari ah oo ku saabsan mowduucaas, aad ayaan u farxay laakiin sidoo kale aad ayaan uga walaacsanaa waxa aan arki doono – iyo sida aan uga falcelinayo.

Waxa aan la noolaa nabarrada shucuureed ee dhacdooyin xanuun leh oo i kicin kara si lama filaan ah.

Sida dad badan oo reer Rwanda ah, waxa aan waayay xubno badan oo qoyskeyga ah. 100 maalmood gudahood, 800,000 oo qof ayaa waxaa dilay kooxaha xagjirka ah ee Hutu kuwaas oo bartilmaameedsaday xubnaha laga tirada badan yahay ee Tutsiga, iyo sidoo kale kuwa kagasoo horjeeday siyaasad ahaan, iyada oo aan loo eegin qowmiyadda ay ka soo jeedaan.

Ruwanda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker