Dowladda Soomaaliya oo ceydhisay Safiirkii Itoobiya u fadhiyay Dalkeeda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ku dhawaaqday inay dalka ka ceydhisay Safiirkii dowladda Itoobiya u fadhiyay magaalada  Muqdisho.

Go’aamo kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta ee uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somaliya Xamse Cabdi Barre ayaa  lagu ceydhiyay safiirkii dowladda Itoobiya ee Mukhtaar Maxamed Waare.

Qaraarka ceydhinta safiirkii Itoobiya Mukhtaar Waare ee golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la amray xidhitaanka qunsuliyada Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garoowe iyo Safaarada Hargeysa.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo uu hore u taagnaa khilaafka heshiiskii ay dowladda Itoobiya la gashay Somaliland, isla markaana ay shalay Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya shaacisay heshiis ay la gashay maamulka Puntland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker