Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo maanta safarkiisii ugu horeeyay ku tagaya dalka Mareykanka.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in maanta safarkiisii ugu horeeyay uu ku gaadho magaalada Washington ee dalka Mareyknka, isaga oo 30ka bishan-na lagu wado in uu tago magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Booqashadiisan ayaa imaneysa waqti kooban oo uu xilka hayo, hasse ahaatee la leeyahay waxaa uu sameeyay is badal weyn oo mudo intaa la eg aan wali horay dalka uga dhicin, gaar ahaan dhinacyada dib-u-heshiisiinta iyo dhowrista xuquuqda Madaniga ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa muddada uu joogo dalka Mareykanka waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato dadka ka soo jeeda dalkaasi Itoobiya laakiin ku dhaqan Mareykanka isaga oo kala hadli doono ka qeyb-qaadashada hormarada kala duwan ee dalka ka socda.

Gaar ahaan magaalada Minneapolis ayaa la filayaa in ra’iisal wasaaruhu uu kula shiro Jaaliyadaha ka soo kala jeeda Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo mudooyinkii ugu danbeeyayba dirir xooggan-ni ka dhex soctay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker