Trump oo maxkamad ka codsaday in laga hakiyo eedaha loo haysto

Madaxweynihii hore ee dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa weydiistay maxkamadda racfaanka ee Georgia, inay baabi’iso galdacwadeedka xeer ilaaliyaha degmada Fulton County, kaas oo ku saabsan, eedo la xidhiidha, isku daygii uu Trump doonayey inuu ku hor istaago natiijada doorashada ee gobolka Georgia, sannadkii 2020, xilligaas oo doorashada looga adkaaday.

Qoraalkan oo ay gudbiyeen musharaxa madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga Donald Trump iyo sideed eedaysane oo kale oo iyana dacwado ku socdaan, ayaa weydiistay maxkamadda racfaanku, inay meesha ka saarto xukunkii la soo saaray bishan, kaas oo u ogolaanayey xeer ilaaliye Fani Willis inay sii wadato dacwadaha ay ku soo oogayso Trump iyo eedaysanayaasha kale.

Maxkamadda racfaanku waxay haysataa muddo 45 maalmood ah, si ay go’aan uga gaadho, inay kiiskan hore ugu socoto iyo inkale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker