Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka fadhiisanaya wax ka baddalka dastuurka kumeel gaarka ah

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka fadhiisan doona wax ka baddalka dastuurka ku meel gaarka ah oo khamiistii loo qaybiyey xildhibaannada si ay ugasoo tala bixiyaan.

Nuqulka ugu dambeeyay oo maanta laga fadhiisan doono ayaa laga doodi doona ama loo codeyn doona kadib markii lagusoo daray soo jeedinnadii xildhibaannada sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga lasocodka dib u eegista dastuurka ee BFS Xildhibaan Xuseen Iidow oo kulanka khamiistii kadib waraysi siiyey BBC-da.

Waxa uu sheegay guddoomiyuhu in qodobka afraad oo su’aalo ku jireen laga heshiiyey waxna laga baddalay soo jeedintii hore ee ahayd in dalku yeeshu laba xisbi oo kaliya iyo madaxweyne ku xigeen, halka laga dhigay raysal wasaare madaxweynuhu soo magacaaabo xilkana ka qaadi karo haddi ay isla shaqayn waayaan iyo xisbiyada oo illaa saddex la gaarsiiyey.

Puntland ayaa soo jeedintii hore ka hortimid isla markaana sheegtay in aysan aqoonsan doonin dastuur aan wax kabaddalkiisa “lagala tashan” hase yeeshee waxaad moodda in laga heshiiyey arrinkaas.

Qodobba dhowr ah ayaa lagu diray soo jeedinnadii xildhibaannada sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga lasocodka dib u eegista dastuurka ee BFS Xildhibaan Xuseen Iidow isaga oo sheegay in ay ku kala xusheen soo jeedinnada sida ay u kala haboonaayeen.

Wixii kasoo kordha kulanka baarlamaanka ee maanta halkan ayaan idiinkusoo gudbin doonnaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker