Syria ayaa ku eedeysay Israel duqeyn lagu dilay in ka badan 40 qof meel u dhow Xalab

Ugu yaraan 42 qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka waqooyiga galbeed Syria sida wararku sheegayaan.

Wasaaradda difaaca Syria ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay duqeeyeen xalay dhowr goobood oo ku yaal baadiyaha Xalab.

Koox fadhigeedu yahay UK oo dusha kala socota ayaa sheegtay in meel hubka ay ku keydsadaan Xisbullah la duqeeyay.

Militeriga Israel ayaa  sheegay  in aysan ka hadleyn wax ay warbaahin shisheeye sheegtay.

SOHR oo ah kooxda la socota waxa dhacay ayaa sheegtay in weerarkan ay ku dhinteen ciidamo Syrian ah tiradii ugu badneyd ee hal maalin ku dhinta weerar ay soo qaaday Israel.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in shan ka mid ah dagaalyahanada Xisbullah ay ka mid ahaayeen dhimashada oo geereysa 38.

Wasaaradda difaaca Syria waxay sheegtay in rayid iyo milteri lagu dilay weerarka,

Israel ayaa sanadihii u dambeeyay ku qaaday weeraro badan Syria iyadoo bartilmaameed ka dhiganeysay Xisbullah ama goobo ay leedahay Iran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker