Eng Yariisow oo Dhaawiciisa Loo qaadaayo Dalka debeddiisa

Muqdisho (OWN) – Waxaa weli lala tacaalayaa xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ku jiro isbitaalka Digfer ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen ilo caafimaad oo ku dhow isbitaalka guddoomiyaha ayaa xalay maray labo Qaliin, iyadoo weli laga deyrinayo xaaladdiisa caafimaad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in guddoomiyaha saaka loo qaadayo dalka dibaddiisa, si loogu soo daaweeyeo halkaasi.

Diyaarad laga leeyahay dalka Qatar oo nuuca ambalaaska ah ayaa goor dhawayd  soo gaadhay magaalada Muqdisho, taas oo qaadi doono tiro ka mid ah dhaawacyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker