Wiil uu dhalay madaxwayne hore oo lagu xidhay Maraykanka

Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Guinea-Bissau ayaa maxkamad ku taal dalka Mareykanka waxa ay ku xukuntay lix sano oo xarig ah kadib markii lagu helay in uu hogaaminayay koox caalami ah oo ka ganacsata daroogada heroin-ka.

Malam Bacai Sanha Jr, oo 52 jir ah, waxa uu qorsheeyay in dhaqaalaha ka soo baxa daroogada uu u isticmaalo in uu ku maalgeliyo hammigiisa ah in uu noqdo madaxweynaha Guinea-Bissau oo uu afgambi, ku qabsado, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Waa wiil uu dhalay Malam Bacai Sanha, oo dalka ku yaalla galbeedka Afrika hoggaaminayay 2009 ilaa uu geeriyooday 2012-kii.

Sanha Jr ayaa lala xiriiriyay afgambi dhicisoobay bishii Febraayo 2022.

Waxaa loo gacan geliyey Mareykanka Agoosto 2022, ka dib markii lagu xiray Tanzania dhowr toddobaad ka hor.

Maxkamadeyntiisa ayaa bilaabatay wax yar ka dib, bishii Sebtembar ee sanadkii hore, waxa uu qirtay dambiga ah in uu maleegayay in si sharci darro ah lagu soo geliyo daroogo.

“Waa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Guinea-Bissau, waxaana uu ka ganacsan jiray maandooriyaha sabab gaar ah – si uu u maalgeliyo afgambigii dhicisoobay oo aakhirka u horseedi lahaa inuu madaxweyne ka noqdo waddankiisa ​​​​ halkaas oo uu qorsheeyey inuu aasaaso ganacsiga nidaamka daroogada.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker