Uganda oo shaqaalaha dowladda ku amartay inay jimicsi sameeyaan

Dowladda Uganda ayaa ku amartay dhammaanba shaqaalaha dowladda inay labo saacadood ku bixiyaan toddobaadkii jimicsi jireed si ay caafimaadkooda iyo miisaankooda u ilaaliyaan.

Amarkan oo lagu xusay warqad dowladda kasoo baxday loona qeybiyay hay’adaha dowladda ayaa lagu sheegay in tani ay caawineyso badqadka shaqaalaha ayna yareyneyso cudurrada.

Dowladda Uganda ayaa sidoo kale barteeda X kusoo qortay in arrintan ay sidoo kale wax ka qabaneyso xaaladda hab-nololeed ee dalkaas:

Arrintan ayaa waxay imaaneysaa kaddib markii qiimeyn qaran la sameeyay ay muujisay in heerka cayilka dalkaasi uu kor uga kacay 17% ilaa 26% 17-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ma ahan markii ugu horreysay ee dowladda Uganda ay soo saarto tallaabooyin lagu dhiirrigelinayo jimicsiga. Sanadkii 2018, Uganda ayaa maalin qaran u asteysay jimicsiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker